Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland oo shir-guddoomiye shir looga hadlayey sugida Amniga

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyay shirka looga hadlayey dardargelinta sugida amaanka deegaamada maamul goboleedka jubaland.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayay xaaladihii u danbeeyay ee dhinaca amniga gaar ahaan sugida amniga Doorashooyinka iyo wada shaqaynta dhinacyada kala duwan.