Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug oo Al-Shabaab ka saaray Deegaanno dhowr ah

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybta 21 aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa xalay qaaday Howlgal jahooyin kala duwan lahaa oo Ururka Al shabaab looga saarayay Koonfurta Gobolka mudug waxaana lagu qabsaday magaalada Bacadweyne iyo Tuulooyinka Qeycad, Hareeri dheere, Cimaamad iyo kuwa kale.

Ciidamada XDS iyo kuwa amniga ee Galmudug ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay  deeganadaasi,waxaana haatan socda howlgal lagu sifeynayo kooxaha nabad-diidka.

Taliyaha La dagaalanka Argaguxisada Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa sheegay inay wadaan Baacsiga Maleeshiyaadka Al shabaab ee ku dhuumaalaysanayay Deegaanadaas.

Kooxda argagixisada Alshabaab ayaa ka firxaday goobo teelteel ah oo ay ka joogeen deegaanada.