Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Hay’adda DRC oo kala saxiixday Heshiis wada-shaqeyn

-Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda DRC, kaasi oo loogu hadlay Xoojinta Xariirka Wada shaqeyn iyo dar-dar gelinta caawinta dadka Danta Yar ee kunool xeryaha Barkacayaasha.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Caasimada iyo Hay’adda DRC ayaa kala saxiixday Heshiis wada-shaqeyn oo ku xusan Qorshaha iyo Habraaca Mashaariicda Horumarineed ee laga fulinayo Gobolka Banaadir si loogu saleeyo baahiyaha dadka danta yar.