Guddiga doorashada maamulka K/galbeed oo doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen

Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga maamulka doorashada heer Dowlad goboleed ee Koofurgalbeed ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Musharixiinta kala ah Yuusuf Abduqaadir Maxamed iyo Maxamed Cabdullaahi Sheikh Xasan ayaa isku soo taagay xilka Gudoomiyaha guddiga Doorashada.

Ka dib doorashadii dhacday, waxaa guddoomiyaha guddiga doorashada heer Dowlad goboleed ku guuleystay Yuusuf Cabduqaadir Maxamed, wuxuuna helay 10 cod.

Halka guddoomiye ku-xigeenka guddiga ay u tartameen Nuuradiin Ibraahim Aadan iyo Cabdullaahi Cabdi ibraahim,waxaana ku guuleystay Nuuradiin Ibraahim Aadan in uu noqdo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada.