Afar Qof oo ku Geeriyootay Kaawo ay qodayeen oo ku soo duntay

Dad gaaraya Afar ruux oo mid ay tahay haweeney ayaa geeriyooday kadib markii ay ku soo duntay kaawo ay qodayeen oo ku taala deegaanka Jasiira ee duleed Muqdisho.

Goob jooge la hadalay warbaahinta Qaranka  ayaa sheegay in uu arkay meydadka afartan qof ee dhimatay iyo laba qof oo dhaawac ah, isaga oo  intaas raaciyay in dadka degaanka ay u gurmadeen dadkan muruq maalka ah ee ay kaawada ku soo duntay.