SAAXIBADA SOOMAALIYA EE CAALAMKA OO DHAMBAALLO HAMBALYO AH USOO DIRAY MADAXWEYNAHA JFS IYO SHACABKA SOOMAALIYEED.

Iyada oo si weyn looga dabaaldagay 61 sano guuradii ka soo wareegtay xornimada jammuuriyadda fadaralka Soomaaliya ayaa saaxibada Soomaaliya ee Caalamka waxey tahniyad Hambalyo ah u soo direen Madaxweynaha Jammuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaana ka mid ah madaxda saaxibada Soomaaliya ee Hambalyada usoo diray Madaxweynaha Jammuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jarmalka, Frank-Walter Steinmmeier.

Waxuuna madaxweynaha Jammuriyadda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalmaha xorriyadda Qaranka, asigoona sheegay in xanuunka Covid-19 uu saameyn ku haayo dalalka Somaaliya iyo Jarmalka iyo guud ahaan caalamka, waxuuna Soomaaliya ku amaanay in ay ka qeyb qaadaneyso dadaalada talaalka ee xarunta Covax, taasi oo ay taageerto Jarmalka.

Jarmalka ayaa sidookale soo dhaweeyey is afgaradka laga gaaray doorashada ee uu hogaaminaayo Ra’isal wasaaraha Jammuriyadda Fadaraalka Soomaaliya, sidokle qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Jarmalka ayaa lagu yiri ‘’ Jarmalku waxuu sii ahaan doonaa lammane lagu kalsoonaan karo  xagga nabadda iyo sameynta nidaamka fadaraalka ah ee Soomaaliya’’.

Sidokle wadamada Jabbuti, Turkiga, Canada, Poland, Australian, Talyaaniga iyo wadamo kale oo badan oo katirsan saaxibada Soomaaliya ee Caalamka ayaa tahniyad ku aadan 7-aadkii xorriyadda la wadaagay Madaxda Qaranka oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jammuriyadda Fadaraalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoona muujiyey taageerada ay u haayaan Soomaaliya.