Ra’iisul wasaare Rooble oo tababar u furay Gudiyadda doorashooyinka heer Federal iyo heer dawlad goboleedd

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka Dalka heer federal iyo heer dawlad goboleed tababarkan ayaa socon doona mudo afar cisho ah.

RW Rooble ayaa gudiyadda kula dardaarmay in ay si daahfuran oo caddaalad ah u maamulaan hawlaha doorashooyinka ee loo igmaday.