Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Maamulka Degmada iyo saraakiisha amniga ee Gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Muqdisho kaga qeyb galay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo ka soo baxay natiijo wax ku ool ah, kadib markii laga soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Dalka