Xaflad lagu mamuusaayo xuska 1-da luulyo oo ka socota xarunta Tiyaatarka

Xaflad lagu mamuusaayo xuska 1-da luulyo ee maalimta xoriyadda ayaa haatan si habsami leh uga socota Xarunta Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho.

Xafladaan waxaa ka qeybgalay Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed C/lahi Farmaajo,R/wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,xubno ka socda labada gole ee baarlamaanka,gobolka Banaadir,ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

Xafladda ka hor Madaxweyne Farmaajo ayaa ubax dhigay taalada SYL iyo kuwo kale.