Madaxda Golaha Wadatashiga oo la kulmay wakiillo ka socday haweenka Soomaaliyeed

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay wakiillo ka socday haweenka Soomaaliyeed oo ay horkaceysay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Xaniifa Xaabsade.

Dhinacyadaasi,waxa ay ka wadahadleen sidii loo xaqiijin talahaa qoondada 30%  ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Goleyaasha Baarlamaanka dalka.