Wasiirka caafimaadka Galmudug oo daahfuray Shirka isku xirka mashaariicda caafimaadka Galmudug

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Galmudug Dr. Abdiwali Abdulahi jaamac ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirka isku xirka mashaariicda Caafimaadka Galmudug oo ay magaalada Dhuusamareeb mudo labo cisho ah kaga qayb gali doonaan dhamaan hey’addaha ka shaqeeya Caafimaadka, Nafaqada iyo fayadhowrka ee ka howlgala Deegaanada Galmudug.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Galmudug dr. Abdiwali Maxamed Axmed ayaa furitaanka shirkan sharaxaad ka siiyey wasiirka iyo ka soo qaybgalayaasha xogaha la uruuriyey ee muujinaya heerka Caafimaadka Nafaqada Iyo fayadhowrka oo dadaal badan la galiyey sadaxdii bilood ee lasoo dhaafey, iyadoo la kaahshanaya macluumaadka ay uruuriyeen hey’addaha taageera Wasaaradda ee Kulankan kasoo qayb galey, iyo qodobadii la iskula meel dhigey shirkii kan ka horeeyay ee dhacey April.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Abdulahi jaamac oo gunaanadka munaasabada daah furka shirkan warbaahinta la hadley ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in looga faa’iideysta gabangabadiisa in laga soo saaro qodobo la isla fahmey oo fulintooda ay kawada shaqeeyaan hey’addaha iyo Wasaaradda Caafimaadka.