XILDHIBAANKII UGU HORREEYAY EE SOOMAALI AH OO KU GUULEYSTAY KA MID NOQOSHADA BAARLAMAANKA FINLAND.

Kaddib markii ay Silvia Midig oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ay shaaca ka qaadday in aanay siyaasadda gudaha Finland dib ugu soo laabanayn ayaa waxaa mar qura isbeddelay xil-qaybsiga xisbiga Bidixda, taasina waxay ka dhigantahay, in Siyaasi Suldaan uu buuxinayo booska uu Xildhibaan Paavo Arhinmäki bannaynayo, maadaama uu isagu u wareegiyo xilka ku-xigeenka duqa magaalada Helsinki.

Suldaan wuxuu nasiib u yeeshay in uu noqdo xildhibaankii ugu horreeyay ee dumiya gidaarkii siyaasadda Finland ku gudbanaa, maadaama uu noqday siyaasiga asal ahaan Soomaaliya ka soojeeda oo gala Golaha sharci-dejinta Finland.

Xigasho : Shabakadda Warbaahinta Soomaalida Finland (Suomen somalimediaverkosto)