Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo furay wajiga seddexad ololaha wacyigelinta talaalka Covid-19

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta xukumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa daah furay ololaha wacyigelinta iyo dar dargelinta wajiga sedexaad ee talaalka Covid-19 oo laga cabsi qabo inuu markii sadexaad uu soo laba kacleeyo.

Ololahan ayaa waxa iska kaashayo wasaaradda warfaafinta heer federal iyo heer dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir.

Agaasimahaa waaxda xiriirka dowlad goboleedyada dalka Cali Cabdulqaadir Cali ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan uu ka shaqeynayo sidii loo fududeyn lahaa isku xirka wasaaraddaha warfaafinta heer federaalka iyo dowlad goboleed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa faray dhamaan howl-wadeenadda wasaaradda inay qaataan talaalka si shacabka u fahmaan muhiimada uu leeyahay Taalaalka.