Golaha wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlayo dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashooyinka dalka ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Koonfur galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud Filish iyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo dalka ka maqan oo uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ballan qaaday hoggaaminta geeddi socod doorasho oo deg deg ah laguna kalsoonaan karo ayaa soo saaray liiska Guddiyada doorashooyinka heer federaal, Heer dowlad goboleed iyo xallinta khilaafaadka.