Puntland oo saakay toogatay xubnihii ugu badnaa oo Al-Shabaab ka tirsanaa

Gaalkacyo-Waxaa maanta oo Axad ah lagu toogtay degaanada Puntland 21 xubnood oo horay ugu tirsanaa kooxda Argagixisada Al-shabaab.

Xubnahan oo dhammaantood rag ahaa ayaa isugu jiray amiirro iyo malleeshiyaad dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray Magaalada Gaalkacyo iyo qeybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Waxaa  sidoo kale magaalada Garoowe isla saaka lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab,  halka magaalada Qardhana lagu toogtay hal xubin oo Al-Shabaab ahaa.

Maamulka Puntland ayaa wacad ku maray in caddaaladda la marsiindoono Qof kasta ee kamid ah Kooxaha Argagixisada ama gacan ku siiya falalka arxandarada ah ee lagu leynayo dadka shacabka ah .