AMISOM oo hambalyo u dirtay dowladda Jabuuti

Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Danjire Francisco Madeira ayaa hambalyo u dirayay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, munaasabadda sanad-guurada 44-aad ee Xorriyadda.

Dhambaalka, Danjire Madeira ayaa waxaa uu  ku bogaadiyey ciidamada qalabka Sida ee Jabuuti sida ay naftooda ugu hureen ugana qayb qaateen dadaallada ay Afrika hormuudka ka ahayd ee lagu soo celinayey nabadda iyo amniga Soomaaliya.

“Anigoo ku hadlaya magaca hoggaanka AMISOM, waxaan ugu hambalyeynayaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti sannad guurada 44-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda dalka Jabuuti sidoo kale waxaa u ku ammaanay kaalinta ay ka geysateen dhisidda Afrika,ilaalinta nabada ,amniga iyo tageerada ay u fidiyeen Soomaaliya ciidamada Midowga Afrika , ”ayuu yiri Danjire Madeira.

Jabuuti waxay xubin muhiim ah ka tahay dadaallada nabadeed ee gobolka ee hoos yimaada urur goboleedka IGAD waxayna ka mid tahay waddamada ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo ay la socdaan Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Uganda.