Ciidanka Xoogga dalka oo hawl galo ka fuliyey Gobolka Shabeellaha hoose

Howgalkani oo ahaa mid qorsheeysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka ka sameeyeen Degaano ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta Amniga iyo ka hortaga dhagarta argagixisada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa sameeyay Ururka 4-aad Guutada 16-aad Kumaandooska Danab iyo Ururka 64-aad Guutada 7-aad Qeybta 60-aad Xoogga Dalka Ciidanka ayaa waxay Howlgalka ka sameeyeen Degaano ay kamid yihiin Yaqdhuubo,Dibilay,Bocoray,Hakow Balow

Warta macalin shabax, bay nanay, caliyow baarow, iyo warta ciise, oo katirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Intii Howlgalka uu socday Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u kuur galay xaalada nololeed ee haysta dadka degaanada ay Howlgalka ka wadeen kuwaasi oo xoolahoodi ay dhaceen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.