Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay weerar Argagixisadu ay ku soo qaaday shacab magaalada Wisiil

Dowladda Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa iskacaabinta Shacabka iyo Maamulka magaalada Wisil, oo ka hortagay duullaankii qorsheysnaa ee ay Argagixisadu ku dooneysay in ay ku qabsato gacan ku heysta maamulka magaalada Wisiil.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa weerarkaasi argagixiso, islamarahaantaana tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehallada dadkii ku dhintay dagaalka saakay waaberigii Nabad-diidka Alshabaab ku soo qaadeen deegaankaasi.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxman Yusuf Alcadaala ayaa yiri “Xukuumaddu ayadoo dhiirrigalineysa guusha shacabka magaalada Wisil waxa ay qaadday tallaabooyin degdeg ah oo gurmad loogu fidinayo dadka shacabka ah ee waxyeelladu ka soo gaartay weerarkaasi iyo qaraxyo ay dhulka galiyeen nabad diidka Al-Shabaab”.

Kooxda Al-Shabaab oo banneystay in ay si xaqdarro ah ku daadiyaan dhiigga Umadda Soomaaliyeed ayaa iyada oo lagu jiro maalmihii qiimaha lahaa ee xoriyadda waxay weerar ku billawday qaraxyo ku qaadday magaalada Wisil oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaas oo ay kala kulmeen qasaare aysan abid kasoo kabsan doonin, waxa ayna ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta Galmudug iyo shacabka degaanka weli sii baacsanayaan firxadkii Aragixisada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa iyaguna goor dhoweyd xaqiijiyey in Alshabaab lagaga dilay weerarkan 41 kamid ah maleeshiyaadkooda halka dhaawacooduna uu aad u badan yahay.