Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo daah-furtay kulan looga hadlayay falanqeynta Waxbarashada

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoorre, ayaa maanta furay kulan looga doodayay nuqulka 1-aad ee falanqeynta Waxbarashada Galmudug.

Qaar ka mid ah Jaamacadaha Galmudug, dugsiyada waxbarashada, wakiillo ka socday wasaaraddaha, Qorsheynta, maaliyadda iyo Haweenk ee Galmudug, ayaa talo iyo turxaan bixin kusoo kordhiyay macluumaadka iyo xogta laga soo uruuriyay waxbarashada Galmudug.

Wasiir Dhoorre wuxuu sheegay in xogtaan qabyada ah ay mari doonto dhowr waji oo lagu faaf-reebayo si loo helo nuqulka kama dambeysta ah ee saldhig u noqon doona diyaarinta qorshaha waxbarashada Galmudug ee shanta sano ee soo socota.

Falanqeynta waxbarashada Galmudug ayaa lasoo gabagebyn doonaa dhammaadka bishaan June.