Home Wararka Madaxweynaha Filibiin oo Xabsi ugu hanjabay dadka diidan inay qaataan tallaalka hortaga...

Madaxweynaha Filibiin oo Xabsi ugu hanjabay dadka diidan inay qaataan tallaalka hortaga Corona

Madaxweynaha Filipino Rodrigo Duterte, ayaa ku hanjabay inuu xiri doono dadka diidan inay qaataan talaalka ka hortaga Corona Virus.

“Dadka diiday in aay qataan Cirbada ka hortaga Corona waxay kala dooran doonaan qaadashada tallaalka ama xabsi ” ayuu Duterte ku yiri  khudbad telefishanka Filipino laga sii daayay fiidnimadii Xalay, ka dib markii inta badan Shacabka ku nool caasimadda  dalkaasi Manila ay diideen in ay qataan Tallaalka ka hortaga Covid 19.

Dalka Filibiin ayaa hadda si adag ula dagaallamaya  xanuunka Corona Virus, iyadoo wadarta dadka xanuunkan laga helay ay gaarayaan 1.3 milyan oo qof,  halka dad gaaraya 23,000 ay  u dhinteen xanuunkan.

- Advertisment -

Most Popular

Shir ku saabsan dhismaha waddooyinka dalka oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

Waxaa maanta Muqdisho lagu soo gabangabeeyey shir u dhaxeeyey wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska dowladda FS iyo wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir ku saabsan xeer-nidaamiyayaal muhiimka ah.

Nairobi:  Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ), iyadoo kaashaneysa hay’adda maaliyadda caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeernidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo furay shirka Wada tashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran 2025-2029

Dhuusamareeb- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga...

Duqa Muqdisho oo furay Madasha La-tashiga Bulsho ee Maqaamka Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Madasha La-tashiga Bulsho ee Maqaamka Muqdisho iyo Xuquuqda Gobolka Banaadir,...

Recent Comments