Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ee Turkiga

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xalay Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga uga qeybgalay kulan casuumaad ah oo ganacsatada iyo jaaliyada Magaaladaas ay u sameeyeen.

Madaxweynaha oo kulankaan uu ku wehliyay Mudane Cabdulqaadir Caraboow Ibraahim, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa iska Xog wareystay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan tan Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Stanbul uga mahadceliyay casuumaada iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen isagoo u sheegay faa’iidada muhiimada ay leedahay inay maalgashtaan Dalkooda si gaar ahna u la wadaagay fursadaha Maalgashi iyo tan ganacsi ee ka banaan Hirshabeelle.

Ganacsatada kulankaan Casuumaada ah u sameeyay Madaxweynaha ayaa dhankoooda balanqaaday inay booqan doonaan Deegaanada iyo Degmooyinka Hirshabeelle si ay u maalgashtaan deegaanadaas barwaaqada ah.