Wasiirka Caafimaadka XFS iyo Safiirka Italy ee Somalia oo ka qayb galay munaasabad Agab Caafimaad lagu gudoonsiinayay Isbitaal Martini

Munaasabadan Isbitaal Martini lagu gudoonsiinayay Agablaka Caafimaad oo ay ugu deeqeen Cutubyada Ciidanka Talyaaniga Soomaaliya ee loo yaqaano CIMIC EUTM, oo ay ka qeybgaleen Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Agab Caafimaad lagu gudoonsiiyay maamulka  Isbitaal Martini.

Agabkan oo isugu jiray Mishino Casriga ah iyo qalab Caafimaad  ayay  Cutubyada Ciidanka Talyaaniga Soomaaliya  ay gudoonsiiyeen Isbitaalka Martini, oo kaalin weyn ka qaadanayaa u adeegsita Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horeen Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Martiini ayaa uga mahadceliyay Dowladda Taliyaaniga deeqadan caafimaad ee ay maanta ugu deeqeen isbitaalka si loo xoojiyo adeega ay u hayaan Bulshada.

Safiirka Dowladda Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Talyaaniga ay wada shaqeyn wanaagsan kala dhaxeyso guud ahaan Hey’adaha Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo gudoontay qabalbkan Caafimaad ee dowladda Taliyaanigu ay ugu deeqday Isbitaalka, ayaa sheegtay in wax weyn ka tari doonto adeeyada Caafimaad ee uu Isbitaalka u hayo  Bulshada Soomaaliyeed.