Wafdi uu horkacaayo Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya oo gaaray Beled weyne

Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya  Soomaaliya Per Lindgarde iyo xubno kale oo ka socda beesha caalaamka ayaa  maanta gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan.

Maamulka gobalka, kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si wayn usoo dhaweeyay wafdiga.

Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyay mashaariic horay qeyb kamid ah looga  fuliyay gobalka, iyagoo sidoo kale tagay meelo kale oo  ka mid ah magaalada Beledweyn una baahan in loo sameeyo biyo xireen.