Amisom oo Ciidanka Xoogga ku wareejisay Saldhigga Marriin Gubaay

    

Ciidamada Ugandha ee ka tirsan AMISOM ayaa si guul leh u xaqiijiyey  amaanka gacan ku haynta agagaarka saldhigga howlgalka ee Maryan Gubaay oo ka tirsan gobolka shabeellada hoose, iyagoo ka adkaaday al-Shabaab waxayna hada ku wareejiyeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo sugi doono amaanka aggan wixii hadda ka dambeeya.

Axaddii ayey qabsoontay munaasabad si toos ah  Amisom ugu wareejinaysay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ( SNA) xarunta oo ay qeyb ka ahayd Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya, munaasabadan ayaa waxa ka soo qeyb galay gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose, Cabdulqaadir Siidii iyo gudoomiye ku xigeenka degmada Baraawe Ibrahim Abdinoor.

Ciidanka xoogga ayaa mudooyinkii u dambeeyey la wareegayey Saldhigyada Amisom hore gacanta ugu haysay tani oo muujinaysa awooda sii kordhaysa ee ciidanka xoogga iyo sida uu ugu filan yahay la wareegista dhamaan goobaha laga xoraynayo haraadiga argagaxisadda.

Ciidamada Amisom waxay hadda horay ugu sii socdaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab si ay gacan uga geysato ka xoreynta aagagga kale ee gacanta argagixisada ku harsan, ayna taageerto Ciidanka Xooga Dalka Somaaliya (SNA) si loo ilaaliyo dadka Soomaaliyeed.