GANACSIGU WAA FAA’IIDO MARNA WAA QASAARO

Ganacsatada loo yaqaanno waratada waxa ay ka mid yihiin ganacsatada yar yar waxaana sida badan ku howlanaan jiray Haweenka oo badanaa soo bandhigi jiray qudaarta sida yaanyada, liinta, cambaha, ansalaatada iwm.

Ganacsigan waxaa haatan ku soo badanaya qeybaha kala duwan ee ragga kuwaasoo qeyb ka noqdey dhaqaajinta ganacsiga yar yar.

Waxaad arkeysaa markii aad booqato goobaha ganacsiga dhallinyaro aad u yar yar oo ku mashquulsan siday wax uga iibsan lahaayeen macaamiishooda.

Maalmihii la soo dhaafay waxaan si isdaba joog ah u booqanayay goobo ganacsi kala duwan, si aan wax badan uga ogaanno Isbeddelka ganacsiga ku yimid.

Waa maxay warato, warato ganacsatada yar yare e aan awoodda buuran u lahayn in ay kireystaan guryaha ama dukaamada ganacsi, taasoo ku kaliftay inaysan haysan awood dhaqaale oo u saamixi karta in ay gaaraan heerkaas, balse waxaa ay door bideen in ay ganacsigooda ka billaabaan waratanimo. Waayo, waratadu badanaa waxay gadaan alaabada yar yar, waratadu waxay banaanka wartaan wixii ay heysteen si looga iibsado.

Cali xuseen waxa uu ka mid yahay ganacsatada dan yarta ah, waxaan hordhigey Su,aal ah Maxaa sababay in raggu ku soo biiraan ganacsiga waratada oo horey ay haweenku hormuudka ka ahaayeen? Wuxuu yiri Xuseen: Ganacsigan waxaan ku soo biiray muddo laga joogo shan sano, waxaana ka helnaa faa’iido la mid ah kuwa haweenka ay ka helaan ganacsigaan, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri Xuseen “Aniga waxaan muddo ku maqnaa Dalka Sacuudiga markii aan imid dalka ayaan bilaabay in aan ku shaqeysto xirfaddaan ganacsi Waxaan ka ganacsadaa sida badan Dharka Haweenka sida, Xijaabbada, waxaa wax naga iibsado waa haween ganaciga waan ka helnaa Faa,iido aan ku maareeyo nolosha qoyskeyga ayuu ku soo koobay xuseen.

Sidoo kale, waxaan sii wadanay kormeerkeenna iyo wareysiyadeenna si aan wax uga oggaanno dhaqdhaqaaqa ganacsi ee waratada yar yar, waxaana sidoo kale la kulmay wiil dhallinyaro ah oo magaciisa iigu soo koobay Sadaam wuxuuna ii sheegay in uu ka mid yahay dhallinyarada wax baratay, wuxuuna yiri “Haddii aan kuu sharraxo ereyga warato waa ganacsi yar oo dhulka jawaan la dhiganayo ka dibna aad dul saaraneyso wixii aad ku iibsan lahayd.

Mar waa noo faa,iido oo lagaama rabo wax kiro ah waana inoo fursad. mararka qaar waxaan la kulannaa dhibaato, gaar ahaan xilliyada roobabku ay da’ayaan, maheysatid meel aad kaga gabaadato dhibicda roobka oo saameyn weyn kugu yeelanayo, adigoo ka baqanaya in ay kaa qoyaan xoogaaga aad meesha dhigatay, sida badan waxaan isticmaalnaa bacaha si aan uga nabad galno roobka.

Sidoo kale, waxaa jira dhibaato waratada danta yar ka heysata ciidammada dowladd hoose, oo sida badan weerar ku soo qaadda si ay u kala ceyriyaan waratada kala duwan kuwaaso ay dantu badday in ay ganacsigoo dhigtaan dariiqyada ay dadku maraan, si qof walba oo maraya halkaasi u arko waxa ay gadayaan. Ganacsigu waa Faa,iido marna waa qasaaro iyadoo aad arkeyso in marba marka ka danbeysa ay ku soo biirayaan dhallinyaro wax baratey kuwaa oo qeyb ka noqonaya ganasatada.

W/Q: Khadiijo Xasan Cabdi