Dadweynaha Itoobiya oo u dareeray goobaha cod bixinta

Dadweynaha Itoobiya ayaa safaf dhaadheer ugu jira goobaha codbixinta doorashooyinka si ay uga dhiibtaan codkooda doorashadii lixaad ee baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka.

Ilaa 9,175 musharrax ayaa waxaa soo sharaxay 47 xisbi siyaasadeed, halka 125 ay ku biirayaan tartanka si madax-bannaan doorashooyinka ka socda in ka badan 49,407 goobood oo ku kala yaal waddanka Itoobiya.

Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa hore labo jeer dib u dhigay doorashooyinka sababo la xiriira aafada xanuunka Corona, amniga iyo dhibaatooyinka dhanka logistikada ah.