WADDANIGU MAGAC BUU HELAA

Waddaniga waa ruux u taagan horumarka dalkiisa iyo dadkiisa .

Hankiisu ma aha boob iyo hanti lunsasho wuxuuna isha ku hayaa difaaca dalkiisa iyo dadkiisa cadowga dibedda iyo gudaha waana geesi aan marna ka seexan daldaloolada ka muuqanaya waddankiisa siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan waana ruux jy adeega dhereg iyo baahi intaba kuna kalsoon wax kasta oo kala kulmo dadaalka uu wado iyo horumarka uu wado.

Waddaniga waa qof aan ceeb laheyn oo dadku u soman yahay wuxuuna ka fog yahay eexda iyo nin jecleysiga , heybsooca iyo kala qoloqoleynta wuxuuna dalkiisa ku leeyahay saaxiibo gaar ah oo kala shaqeeya danta guud.

Waddanigu waa kan rajeeya in uu guul ka gaari doono howsha uu hayo taas oo uu ka helo magac wuxuuna aaminsan yahay hadii uu gaaro hadafkiisa in ay guul u idishahay .

Wuxuu ku fekeraa in uu u faa’ideeyo bulshada uu ka dhashay isagoon u kala saarin qabiil ama deegaan midna.

Dalka iyo dadka ayuu si siman ugu adeegaa wuxuuna noqdaa qof daacad oo la jecel yahay maadaama uu yahay qof daacad ah oo ka dagaalama kala sarreynta iyo caddaalad darada oo aan marna ka seexan danta guud.

Dabeyl kasta oo timaada  ha noqoto birbur iyo kala jabin bannaanka ayuu ka yahay wuxuuna ugu baaqaa ummaddisa midnimo iyo isku duubni .

Midnimada iyo isku duubnida waa awood aan laga maarmin bulsho kasta oo sameysa wax wada qabsi iyo wadajir .

Bulshada yeelata midnimo waxay ka hormartaa ummadaha kale xagga aqoonta , dhaqaalaha iyo amniga iyo dib u dhiska waxayna helaan muuqaal sharafeed.

Marka la helo midnimo waxaa imaanaya is jeceyl iyo wax wada qabsi iyo faa’ido dhan walba ah  gaar

ahaan ummadda soomaalida waa dad can ku ah wax wada cunka iyo is xiriirinta iyadoo marliiba iska illowda wixii dhib ahaa ee dhexdeeda ka dhacaywaxaana ka yimaada is cafis iyo walaalnimo.

W/Q; Abwaan Gabayre