Wasiirka Caddaalada X.F.S oo kulamo la yeeshay odayaasha iyo dhalinyarada ku nool magaalada Waajid

Wasiirka Caddaaladda XFS ayaa degmada waajid wuxuu kulamo kula yeeshay dhalinyarada iyo odayaasha degmadaasi ku dhaqan si uu oga xogwaraysto xaaladaha ay ku sugan yihiin madaama ay ku Nool yihiin magaalo ka go’doonsan wadooyinkii ay wax u soomaari lahaayeen

Dhalinyarada ayaa wasiirka la wadaagay in baahida ugu weyn oo ay qabaan ay tahay inay helaan Ammaan iyo xaruumo ay wax ku bartaan si ay jiilka iyaga la mid ah wax ula qaybsadaan, iyaga oo muujiyey in aysan wax niyad jab ah ku hayn caqabadaha ay kala kulmayaan Maleeshiyada Al -Shabaab

Wasiirka Caddaalada Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa dhalinyarada u sheegay in marnaba ay cabsi galin culeeska argagixisada isaga oo kula dardaarmay in muhiimadda ay saaraan waxbarashada oo fure u ah mustaqbalka qof waliba oo dhalinyara ah.

Sidokale Wasiirka Caddaaladda iyo gudoomiyaha degmada waajid ayaa la kulmay odayasha dhaqanka kulankaas oo si weyn loogu soo hadal qaaday caqabadaha haysta shacabka degmada ku nool iyo sidii loogu furi lahaa wadooyinka u xiran Al -Shabab si ay u soo laabato Nolosha iyo hormarka bulshada waajid.