Gudidda farsamada Arrimaha doorashooyinka oo shaaciyey xiliga tababarka u furmayo gudiyadda doorashooyinka

Gudida Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa faahfaahiyay jadwalka iyo nooca tababarka ay qaadanayaan Xubnaha Guddiyada doorashooyinka, ka hor inta aysan guda galin howlaha doorashada.

Gudida ayaa sheegtay in 27 bishan Gudiyadda doorashooyinka uu u furmi doono tababar socon doona mudo afar cisho ah,tababarkan ayaa ku saabsan qabsoomida doorshooyinka heer federal iyo heer maamul goboleed, iyadoo lagu diyaarin doono qorshe hawl fulinta doorashooyinka iyo jadwalka doorashada.