Qaban qaabada xuska maalmaha xorriyadda oo si weyn looga dareemayo dalka

Xuska toddobaadka maalmaha xorriyadda ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan dalka, Guddiga qaban-qaabada Xuska Todobaadka maalmaha xoriyadda ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaliya oo ku gudo jira diyaarinta goobaha munaasabaduhu ka dhacayaan ayaa hawshoodu maraysaa heer gabo gabo ah.

Suuqyada magaalooyinka waaweyn ayaa laga dareemayaa samxada maalmaha xorriyadda sidoo kale, wadooyinka ayaa lagu arkayaa sameecadaha iyo shaashadaha lagala socon doono xafladdaha xuska toddobaadka maalmaha xoriyadda,xarumaha muhiimka ah sidoo kale wadooyinka waaweyn ayaa lagu arkayaa calanka Soomaliya oo si farshaxamaysan loogu sawiray goobaha qaarna la dul sudhay.

Toddobaadka maalmaha xoriyadda Soomaliya ayaa ka bilowda 26-kii June 1960 oo goboladii waqooyiga ka hoos baxeen xukunka maxmiyadii Boqortooyadda ingiriiska,ka dib markii halgan xornimo u dirir boqortooyadu kala kulantay shacabka deeganadaas oo uu hormuud u ahaa xisbi Siyaasadeedkii ugu horeeyey oo la aasaasay dhulka Soomaalida sanadii 1935 ee SNL.

sidoo kale Gobollada Koonfureed ayaa waxay xorriyadooda ka qaateen 1-Julay 1960, Gumaystihiii Talyaaniga iyadoo isla maalintaas ay dhacday midowgii labada Gobol ee Waqooyi iyo Konfur.

Dalka Jabuuti ee aan walaalaha nahay ayaa ugu dameyn helay xorriyadooda 27 june 1977, iyagoo ka xoroobay gumeystihii Faransiiska. Dhammaan maalmahan ayaa ah kuwo shacabka Soomaaliyeed aad ugu weyn.