kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb- Kulan looga hadlayay xoojinta amniga magaalada Dhuusaramreeb gaar ahaan xilliga doorashada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha talisyada Booliiska iyo Nabadsugida Dhuusamareeb, guddiyada Xaafadaha iyo mas’uuliyiinta maamulka ayaa lagu qabtay magaaladaas.

kulankan oo ku soo beegmay xilli ay socdaan dadaalada lagu sugayo amniga doorashooyinka dhawaan bilaabmaya ee federaalka ayaa laga soo saarey amaro lagu adkeynayo dhaq-dhaqaaqa dadka soo galaya magaalada Dhuusamareeb.

Laamaha amniga ayaa farey dadka soo galaya magaalada in ay tagaan xafiiska hubinta dadweynaha kaasi oo bixinaya ogolaanshaha guryaha kirada ah kadib markii laamaha amnigu ay baaraan xogta kireystaha doonaya in uu ku nagaado magaalada.

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ka warbixiyay qodobada kulankan ka soo baxey ayaa sheegay in shirkan uu daba-joogo shaqo muddooyinkanba ay wadajir u wadeen laamaha amniga iyo maamulka caasimada oo lagu diiwaan galinayay goobaha dadweynuhu ku kulmo iyo ganacsiyada waa weyn.