Kabtanka Xulka Qaranka “Oman nagama badin ee Xiriirka Kubdda Cagta Soomaaliya ayaa naga badiyay”

Kabtanka Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka hadlay ciyaartii xalay ay la yeesheen Xulka Qaranka Cumaan ayaa dhaleel usoo jeediyey Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Kabtanka ayaa sheegay  in aysan helin wax tababar ah mudo 18 bilood ah asaga oo sidoo kale xusay in kaliya ay sameeyeen labo jeer oo tababar ah labaddi maalin ee u danbeysay.

Qoraalka uu Kabtan Casaanyo soo dhigay ayaa sidaan u dhignaa : “Oman nagama badin ee Xiriirka Kubdda Cagta Soomaaliya ayaa naga badiyay , aad baan uga niyad jabsanahay natiijada maanta, wiilasha waxey u shaqeeyeen si adag, waxaan u qalanay wax intaas ka badan, maanta guuldaro kalama kulmin Cumaan, waxaan guuldaro kala kulanay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya (SFF) Muddo 18 bilood ah wax tababaro ah ma heysan, labadii maalmood ugu dambeysay ayaan 2-jeer tababar sameynay, Sideed nooga rajeyneysaa inaan ula tartano wadamo sida Cumaan oo kale ah, kuwaas oo shan kulan ciyaaray labadii isbuuc ee ugu dambeysay?