Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo ka qayb galay shirarka Dhaqaalaha iyo Difaaca madasha Diblumaasiyadda Antalya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Cabdirisaaq, ayaa ka qeyb galay maalintii Sabtida shir ku saabsan sii xoojinta iskaashiga dhaqaale ee Turkiga iyo Afrika kaas oo ajande u ah Madasha Diblomaasiyadda Antalya.

Shirka oo socday maalintiisii ​​labaad ayaa intii uu socday kulanka waxa aragtiyo kala duwan la isku weydaarsaday dejinta qorshe howleed iyo aasaas adag oo ku saabsan iskaashiga dhaqaale ee Turkiga iyo Afrika kaasoo waxtar badan u leh dhammaan wada-hawlgalayaasha.

Wasiir Maxamed C / risaaq wuxuu kale oo ka qeyb galay kalfadhigii xirnaa ee difaaca si looga faa’iideysto qibrada farsamada iyo warshadaha gaashaan dhigga Turkiga.