MUHIIMADDA CIIDAMADA SOOMAALIYEED

Maxay tahay muhimadda ay leeyihiin ciidan, dal majiri karaa ciidan la’aan?

Ciidan waa awoodda kaliya uu leeyahay dal waliba, ciidanka waa ilaalada ama difaaaca dalka, dadka iyo diinta, dal aan ciidan laheyn dadkiisa, diintiisa wey dayacan yihiin.

awoodda kaliya ee uu wadan ku faano waa ciidan ama difaaca wadamada horumaray miisaniyadda ugu badan waxey ku bixiyaan difaaca sababtoo ah waxey ogaadeen hadeysan difaac jirin inuu san jireeynin wadan.

Ciidamadu waxey qabtaan howlo badan oo aan bulshadu si jogta ah u arki karin waxaa ka mid ah howl galada bini’aadanimada iyo howlaha kale ee caadiga ah, maanta dowladaha horumaray ee distay ciidan xoogan waa kuwa maanta waxii doonaan ka sameeynaya dunida.

Reer galbeedka uu horkacaayo Maraykanka maanta waxey is laheysiyey dunida waxa ay ku gaareena ma ahan awood ay ku dheer yihiin ee waa inay is ku tashteen oo ay dhisteen ciidan kadibna ay ku fakareen inay dunida inteeda kale u taliyaan.

Dhamaan noocyada awoodda ee go’aamiya heerka awoodda dal lagu qey meeyo waxaa saldhig u ah ciidan, wadan leh ciidan xoogan waxey dadkiisa caadiyan ku noolaanayaan darajo ka sareyso amniga iyo xasiloonida, marka loo fiiriyo wada awood militry laheyn.

sidoo kale wadan leh awood xoogan oo militry waxuu awood u leeyahay inuu la wareego ama uu yareeyo awoodda wadan kale, sidoo kale waxuu cuuryaamin karaan dhaqaalaha, siyaasadda iyo kheyraadka uu leeyahay wadan kale.

waxaa jira arimo badan oo go,aamiya heerka awoodda ciidan uu dal leeyahay. Waxaana ka mid ah

1 Awoodda ciidan ee difaaca xuduudaha: Awoodda uu dalka u leeyahay in uu difaacdo xuduudihiisa, oo haddii loo baahdo ku difaacan karo awood Militry.

2 Awoodda difaaca ee Militry: Wadanka waa in uu awood militry ku ilaalin karo dhulkiisa iskana caabinkaro duulaan kasto oo kaga yimaado wadamada la tartamayo iyo IWM.

3 woodda ciidan ee dhulka: Awoodda uu dalka leeyahay tani waa mida ugu muhiimsan ee lagu qeymeeyo wawoodda dowladda, mar hadaadan aheyn wadan leh awood ciidan ee xagga dhulka matihid dowlad leh awood ciidan.

4 Awoodda ciidanka badda: wadamada waxyaabaha lagu qeymeeyo waxa ka mid ah awoodda ciidanka baddda wadanka waa in uu difaacan karo xeebihiisa waa in uu ka hortagi karo halis kasto oo ku soo wajahan xeebihiisa.

5 Awoodda hawada: awoodda hawada hadda waa qey muhiim ah oo ka mid ah awoodaha guud ee militariga dinidaan casriga ah ayaa sii kordhineysa muhiimadda ciidanka cirka.

Maanta dunida waxyaabaha lisku qeymeeyo waxaa ka mid ah in uu dalka awood u leeyahay in uu soo saarto qalabka militry oo ugu horeeyo hubka nuucyadiisa kala duwan, dowladda haddii ay leedahay hub iyada farsameysay waa dowlad aan lagu soo dag-dagin xiliyada dagaalka.

 

Maanta waxaa jira farqi weyn oo ku saabsan heerka awoodda militry ee u dhaxeeysa wadamada dunida hogaaminaaya waxay ku kala duwan yihiin miisaaniyadda ay ku bixiyaan ciidamada militariga.

Maanta wadan kasto oo qeymo iyo sharaf ku leh dunida waa wadan leh ciidan militry oo xooggan, wadan kasto oo doonaayo sharaf waa uu inuu dhisaa cidankiisa si uu u gaaro hamigiisa ah inuu ka soo dhax muuqda dunida.

Kaqeyb qaado dhismaha ciidamadaada haddaad dooneyso in la guugu qadariyo dunida.

W/Q: Cumar Maxamed Cumar.