Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyay Galgaduud

Dhuusamareeb- Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qasaara ba’an gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, kadib howl-gallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanno ay ka mid tahay tuulada Orshe oo 50 km dhanka bari kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Dadka degaanka Orshe ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay inay arkeen meydad badan oo ay ka carareen Argagixisadu, waxanay ciidanka xooggu halkaas kaga furteen Al-Shabaab saanad Milatary iyo agab kale.

Ciidanka xoogga dalka oo haatan ku sugan goobihii ay howl-galladu ka sameeyeen ayaa waxay wadaan baaritaanno dheeri ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka degaannadii laga eryay kooxda Al-shabaab.

Kooxda Argagixisada Al-shabaab ayaa degaannadaasi iyo dhulka miyiga ah ee ku hareereysan ka geysan jirtay gabbood fallo kala duwan, iyagoo dadka reer guuraaga ah ka dhici jiray xoolaha ay dhaqdaan, sidoo kalena ka qaadanayay dalagyada ay tacbadaan iyo lacag ay ku sheegaan sakawaad.