Tababar sarre loogu qaadayo aqoonta oo loo furay shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhiga XFS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u daah-furay Shaqaalaha Wasaaaradda Gaashaandhigga Tababar ku Saabsan Tayeynta Shaqaalaha .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xasan Maxamed Siciid Samatar oo uu Wehliyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cali Aaden ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay tababar sare loogu qaadayo Xirfadda hogaamineed iyo Wada-shaqeynta waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda .

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Cali Aaden oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Shaqaalaha looga baahan yahay ka faa’iideysiga  tababarkan si dhawna ay u korjeegteen doonaan Mudada uu Socdo tababarka,

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Xasan Maxamed Saciid Samatar oo daah-furay Tababarkan ayaa tibaaxay in ay ka go’antahay ka shaqeynta sare u qaadidda Aqoonta iyo tayeynta shaqaalaha wasaaaradda Gaashaandhigga ,Shaqaalahana looga baahan yahay in si dhab ah looga faa’iideyto muddada Shanta maalmood Ee uu Socdo Tababarkan ,Masuuliyadna ay iska saaraan Shaqaalaha Soo Xaadiridda Tababarka  ,

Siminaarkan Waxaa iska kaashaday  Wasaaradda Gaashaandhigga XFS  Midowga Yurub ,Sweden  iyo UK.