Madaxweynaha JFS oo Dhambaal Hambalyo ah diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Xoghayaha Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres oo dib loogu doortay Hoggaanka Qarammada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojineyso doorka wanaagsan ee ay ka qaadaneyso adkaynta iyo ka miro-dhalinta ujeeddooyinkii loo aas-aasay Qarammada Midoobay ee xoojinta nabadda, amniga, ilaalinta xuquuqda aadamaha, ka hortagga colaadaha iyo xasaradaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey kaalinta Xoghayaha Qarammada Midoobay Mudane Antonio Guterres uu ka qaatay inta uu xilka hayey, xoojinta nabadda, ciribtirka saboolnimada, la dagaallanka argagixisada, xakameynta xanuunka safmarka ah ee COVID19 iyo hirgelinta yoolasha horumarka waara ee shucuubta caalamka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Antonio Guterres in uu sii ambaqaado dadaalladiisa ku aaddan horumarinta dhaqaalaha, xoojinta xiriirrada shucuubta caalamka, xakameynta colaadaha, la dagaallanka xagjirnimada iyo faqriga.