Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo 5-kun $ ugu deeqay dhismaha Waddada ee Hobyo iyo Gaalkacyo

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cumar ( Al-Cadaala) oo booqasho maalmo qaadan doonta ku maraya Deegaanno hoostaga Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa lacag gaareysa 5-kun oo doolar ku wareejiyay gudigga dhismaha ee waddada u dhaxeysa Hobyo.

Wasiirka , ayaa ku bogaadiyey guddiga dhismaha wadada shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan Dalkooda iyo Dadkooda,wuxuuna intaa ku daray in wadadaan ay wax badan u tari doonto Bulshadda reer Galmudug oo iyagu si isxilqaan ah ku dhisanaya.

Wasiir Cadaala waxa uu ugu dambeyn u sheegay Gudigga in uu warbixintooda u gud bindoono Xukuumadda uu ka tirsan yahay si ay kaalin wax ku ool ah uga qaadato.