Maalinta caalamiga ah ee caruurta Afrika oo looga dabbaal-degay Soomaaliya iyo dalal kale

Dalal kamid ah Afrika waxaa maalinimadii shalay ka dhacay xaflado lagu maamusaayo 16-ka Juun ee maalinta Caalamiga ah ee Carruurta Afrika iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray ilaalinta dhallinyarada Afrika oo in badan ay la kulmeen cawaaqib xumo ka dhalatay dagaallada iyo colaadaha sokeeye.

Munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto ,ayaa ka dambeysay markii madaxda Afrika ay maalintaasi u aqoonsadeen kacdoonkii ardayda  Soweto ee sanadkii 1976 –dii lagu xasuuqay dalka K/Afrika,

Guddigga Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta ee Afrika,ayaa ku baaqay  in la ilaaliyo xuquuqda carruurta,isla markaana wax laga qabto caqabadaha ay carruurta Afrika la kulmaan.

Xafladdaan lagu weyneynayo maalinta 16-ka Juun ee xuska caruurta Afrika ayaa ka dhacday magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Beydhabo,Kismaayoiyo kuwo kale.