Wasiir Al-cadaala oo Hobyo si weyn loogu soo dhaweeyay

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Murashax Xildhibaan Golaha Shacabka ah mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo gobolka Mudug.

Wasiirka, ayaa inta halkaasi ku suganyahay xarigga ka jari doona Mashaariic kala duwan oo deegaanka uu ka hirgeliyay oo uu ka mid yahay Dugsigii sare ee ugu horeeyay oo ay yeelato degmada Hobyo, waxaana xusid mudan in Wasiirka uu bixiyay dhulka laga dhisay Dugsiga iyo kharashka lagu dhisay intaba.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, ayaa dhagax dhigi doona Isbitaal weyn oo adeegyada Caafimaadka oo dhan ay ka heli doonaan dadka deegaanka xili baahi weyn oo xagga caafimaadka ah ka jirto degmada Hobyo.