Turkiga oo lagu amaanay martigelinta Qaxoontiga

Wakiilka Qaramada Midoobay e heya’adda qaxoontiga ayaa sheegay in Turkigu uu marti-geliyo qoxootiga ugu badan adduunka

Philippe Leclerc, oo ah wakiilka Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegay in taageero dheeri ah ay u fidiyaan Turkiga,waxaan ku faraxsanahay inuu ka shaqeeyo dalka turkiga oo arinta qaxootiga si xilkasnimo leh oo dhab ah u wajahaya wuxuu xusay in turkigu siiyo waxbarasho iyo helitaanka shaqo qaxootinimada.

Maalinta Qaxootiga Aduunka oo sanadkasta ay xusaan UN-ka 2000 si loo qadariyo Qaxootiga aduunka oo dhan ayaa maalinta 20-ka Juun waxaa loo dabaaldegaa si looga wacyigaliyo xaalada Qaxootiga aduunka oo dhan.

Dawladda turkiga ayaa lagu xasuustaa garab istaaga qaxoontiga Suuriya iyadoo xuduudkooda u furay ka dib dagaalkii ka qarxay horaantii 2011.