Maamulka K.galbeed oo Qaramada midoobay kala hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jirta Gobolka Bakool

Wafdi isugu jiray wasiirro ka socda dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya iyo hay’adaha UN ka ee ka shaqeeya bani’aadanimada ayaa magaalada Xudur kula kulmay madaxda degmooyinka ee gobolka Bakool

Wafdigan oo uu horkacaayey wasiirka gargaarka maareynta masiibooyinka dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdinaasir Cali Caruush, ayaa waxaa boogashadooda ay la xiriirtay sidii loo xaqiijin lahaa xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin si wax looga qabto looguna gurmado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wafdiga waxa ay kulan la qaateen maamulada degmooyinka xuddur, tiyeeglow, Rabdhuure iyo kan gobolka Bakool, waxana si qotodheer looga hadlay xaaladaha amni iyo midda bani’aadanimo ee ka jirta gobolka.

Booashadaan ayaa qayb ka ah dadaalada dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ku doonayso in gargaar bani’aadanimo lagu gaarsiiyo dadka deegaanadooda laga soo barakiciyey iyo danyarta ku nool gobolkaasi.