Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay wafdi ka socday Beesha Caalamka

ILAYSKA DALKA:-Madaxweynaha maamul gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Wafdi ayaa Kulan lagaga hadlay xaalada dalka iyo arimaha Doorashooyinka la qaatay madaxweynaha Jubaland iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.