Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tabar loogu soo xiray magaaladda Baydhabo

Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa Magaalada Baydhabo Tababar ugu soo Xiray Dufcadii 6aad ee Lagu Tababaro Dugsiga Tababarka Qeybta 60aad ciidanka xoogga dalka Magaalada Baydhabo,

Munaasabadda Tababarka loogu soo Xirayay Waxaa Ku Sugnaa Taliye Xigeenka ciidanka xoogga jeneraal Cabaas Amiin ,Taliyaha Qeybta 60 aad CXDS jeneraal Maxamed Sheekh  Cabdullahi Ciirow iyo Safiirka Dowladda Uk ee Soomaaliya  Ambassador Kate Foster.

Taliyaha Qeybta 60 aad iyo Taliye Xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in DFS dadaal Xoogan ay galisay dib-u-dhiska CXDS iyo Tayeyntooda.

Safiirka Dowladda UK Ee Soomaaliya  Kate Foster ayaa Sheegtay in Dowladeeda ay diyaar u tahay ka qeybgalka Tababaridda CXDS iyadoo Xustay in Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda ay Ku gacansiin doonaan Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Dowlado dhowr ah oo ay ka mid tahay UK ay DFS ka Codsadeen in laga gacansiiyo Tababaradda Ciidanka taas oo uu sheegay in UK ay ku mahadsantahay Sida ay ugu qeybqaadatay Taageeridda iyo Tababaridda Cutubyo ka Tirsan CXDS  gaar ahaan qeybta 60aad.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha maamul goboleedka koonfur galbeed ayaa Cutubyadan maanta Tababarka loo Soo xeray u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah argagixisadda iyo in ay u  istaagaan Difaaca dalkood,diintooda iyo dadkooda.