Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlay weerar argagixiso oo ka dhacay xeradda Gen Dhaggo badan.

ILAYSKA DALKA:-Taliska ciidanka xoogga ayaa xaqijiyay dhimashada 10- kamid ah dhalinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka iyo dhawaca 20-kamid ah dhalinyadasi kuwaas oo lagu diiwaan galinayay xerada ciidanka ee General Dhaga badan

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa Tacsi u diray dhalinyarada ku dhimatay werarka Argagxisanimo isagona kuwa dhawaca ah alle uga baryay in uu caafimad taam ah siiyo.

Qaraxa ayaa dhacay xili dhalinyarada  ayaa sugeysay Baaritaanka ka hor inta aysan gudaha xerada galin,Taliyaha ayaa xusay in tani aysan wax sameyn ah ku yeelan doonin dhismaha ciidan xoogga oo dhalinyaradda soomaaliyeed kaalin mug weyn kaga qayb qaadanayaan.