Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga XFS oo ka hadlay howlgalo ciidan oo lagu dilay xubno katirsan Al shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa ka hadlay howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka dowladda howlgalkii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Buulo-burtI ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga in dagaalo kale oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan looga qabsaday nabad diidka hub badan oo uu sheegay in la soo bandhigay.

Wasiir Cabdifataax ayaa dhanka kale ka warbixiyay in howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda ay ka sameeyeen Shabeellaha Dhexe ay kula wareegeen degaano hor le ah isla markaana haatan ay ku sugan yihin Ciidanka dowladda, howlagalada lagula dagaalamaya cadawguna ay sii socon donaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigg ayaa Isbitaalka ku booqday Askar ka tirsan Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Xoogga dalka oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dagaalkii ka dhacay degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.