Qaramada midoobay oo Turkiga ku amaantay martigelinta Qaxoontiga

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Hay’adda Qaxoontiga ayaa sheegay in Turkigu uu marti-geliyo qoxootiga ugu badan adduunka

Philippe Leclerc, oo ah wakiilka Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegay in taageero dheeri ah ay u fidiyaan Turkiga, waxaan ku faraxsanahay inuu ka shaqeeyo dalka turkiga oo arinta qaxootiga si xilkasnimo leh oo dhab ah u wajahaya ayuu yiri Philippe, wuxuuna xusay in turkigu dadka qaxootiga ah siiyo waxbarasho iyo helitaanka shaqada qaxootinimada.

Maalinta Qaxootiga Aduunka oo sanad kasta ay xusaan UN-ka si loo qadariyo Qaxootiga aduunka oo dhan ayaa maalinta 20-ka Juun waxaa loo dabaaldegaa si looga wacyigaliyo xaalada Qaxootiga aduunka oo dhan.

Dawladda turkiga ayaa lagu xasuustaa garab istaaga qaxoontiga Suuriya iyadoo xuduudkooda u furay ka dib dagaalkii ka qarxay horaantii 2011.