Wasaaradda Waxbarashada XFS oo daah-furtay kulanka wada-tashiga warbixinta falanqeynta Waxbarashada dalka

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta XFS ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furtay kulanka wada-tashiga warbixinta falanqeynta Waxbarashada dalka (Education Sector Analysis) si loogu diyaar garoobo sameynta qorshihii 3aad ee Horumarinta Waxbarashada ee muddada 5ta sano ee soo socota.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Saree ee Dowladda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Caabbi Xasan oo daah-furay kualnka ayaa uga mahad celiyay ka qayb galayaasha waqtiga ay soo hureen, kulana dardaarmay inay fikradahooda iyo taladooda ku biiriyaan warbixinta laga diyaariyay xaaladda waxbarashada dalka iyo siddii ubadka Somaaliyeed ay u heli lahaayeen Waxbarasho munaasib ku ah lagana tala geliyay qeybaha Waxbarashadda oo dhan.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madax ka socotay Wasaaradda Waxbarashada heer federaal, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo bahda waxbarashada oo ay ka mid yihiin Jaamacadaha, Midowga dalladaha Waxbarashada iyo hay’adaha taageera waxbarashada Somaaliya.