Jawhar waxaa sare ukac ku yimid qiimaha lagu iibsado Maceeshadda quutul daruuriga ah

Qiimaha badeecadaha kala duwan ayaa sare kac xooggan ku yimid ka dib markii uu fataahaado sameeyey webiga Shabeelle, dadweynaha ku nool caasimadda maamul goboleedka hir-shabeelle ee Jowhar oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in fatahaada webigu khasaare gaarsiisay dalagyaddii kala duwanaa ee beeraha.

Guddoomiyaha ganacsatadda shabeeladda dhexe Cumar Xuseen Maxamed ayaa sheegay in fadahaada webigu saamayn ku yeelatay badeecadihii soo geli jiray gobolka, maadaama biyihii xireen wadooyinka muhiimka ah ee soo gala magaaladda.

Xukuumadda Federalka ayaa deeq gurmad oo raashin ah hore u gaarsiisay dadka ay sameeyeen fatahaadaha webiga Shabeelle.