Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo daah-furtay nidaam hab onlayn ah loogu bixinayo Laysimadda

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta furay kulan hordhac u ah daah-furka Habka Onlaynka ah ee Diiwaan-gelinta iyo bixinta laysimada Shirkadaha Ganacsiga Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo madax ka socotay Baanka Aduunka, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyey Wasiirku waxa uu sheegay in ujeedka kulankani yahay siddii hay’adaha kala duwan ee dawladdu ay taladooda ugu soo biirin lahaayeen ka hor inta aan la daah-furin barnaamijka, waxaana uu carabka ku dhuftay in barnaamijkan oo ah Website si casri ah loo habeeyey uu ganacsatada iyo maal-gashadeyaasha ba u sahlaayo in iyaga oo xafiisyaddooda jooga ay si fudud u diiwaan-gashan karaan una heli karaan laysinga shirkadahooda Ganacsiga.

Wasiiru-dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sidoo kale uu sheegay in barnaamijkani uu ahmiyad u leeyahay horumarinta,fududeynta Ganacsiga iyo siddii Ganacsiga wadanku  ula jaan-qaadi lahaa midka caalamka.